Qeybaha Jirka Bani’aadamka
Jirka bini’aadamka wuxuu ka kooban yahay qaybo badan oo kala shaqo iyo muhiimad ah. Qaybahan waxaa loo kala saaraa qaybaha dibedda laga arko iyo qaybaha gudaha jirka ku jira. Hoos waxaa ku faahfaahsan labadaas qeybood:
1. Qeybaha Dibadda Jirka (External Body Parts):
Madaxa (Head): Waxaa ku jira maskaxda, indhaha, dhegaha, sanka, iyo afka.
Qoorta (Neck): Waxay isku xirtaa madaxa iyo jirka hoose.
Garbaha iyo Gacmaha (Shoulders & Arms): Waxaa ka mid ah cududda, suxulka, curcurka, iyo faraha.
Laabta iyo Caloosha (Chest & Abdomen): Laabta waxaa ku jira wadnaha, sambabada, caloosha & dheefshiidka.
Lugaha (Legs): Waxaa ka mid ah bowdada, jilbaha, lugaha hoose, canqowga, iyo cagaha.
Dhabarka (Back): Waxaa ku yaalla laf-dhabarta oo xakameysa dhaqdhaqaaqa iyo istaagga.
Xubnaha Taranka Dibedda (External Reproductive Organs): Way ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarka.
2. Qeybaha Gudaha Jirka (Internal Body Organs):
Maskaxda (Brain): Xarunta xakamaynta dhammaan hawlaha jirka.
Wadnaha (Heart): Waxa uu dhiigga u faafiyaa jirka oo dhan.
Sambabada (Lungs): Waxay qabtaan neefsashada oksijiinta iyo bixinta carbon dioxide.
Caloosha (Stomach): Meesha cuntadu ku burburto.
Beerka (Liver): Waxay sifeysaa sunta tamartana weey keeydisaa.
Kelyaha (Kidneys): Waxay sifeeyaan dhiigga kaadidana weey soo saaraan.
Mindhicirada (Intestines): Waxay nuugaan nafaqooyinka cuntada, kana saaraan wasaqda jirka.
Kaadi-haysta (Bladder): Waxay keydisaa kaadida.
Xubnaha Taranka Gudaha (Internal Reproductive Organs):
Dumarka: Minka, ugxan-sidaha (ovary), iyo tuubooyinka ugxanta.
Ragga: Beeraleyda shahwada / Xaniinyaha (testicles) iyo qanjirka prostate-ka.
Comments
Post a Comment